Madaxweynaha Hirshabeelle oo Mudo xileedkiisa la kordhiyay

Waxa uu Madaxweynaha xilka heyn doonaa 5 sano, halka markii hore 4 sano kursiga ku fadhin jiray.

Warar Keydmedia Online

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeella ayaa wax ka bedel ku sameeyay Dastuurka, iyagoo kordhiyay mudo-xileedka Madaxweynaha iyo dhamaan hay'adaha Maamulka, oo laga dhigay 5 sano, halka markii hore ahayd 4 sano.

Go'aankan ayaa yimid kadib kulan uu yeeshay Baarlamaanka, oo ay soo xaadireen 70 mudane, kuwaasoo 66 kamid ah ay ogolaadeen mudo-kordhinta, waxaa diiday 3, iyadoo 1 Xildhibaan uu ka aamusay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.