Mukhtaar Roobow oo fariintii ugu horeysay u diray Lafta-Gareen

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xiray Roobow, si Lafta-Gareen ugu soo baxo doorashaddii Koonfur Galbeed ee la qabtay December 2018.

Warar Keydmedia Online
Mukhtaar Roobow oo fariintii ugu horeysay u diray Lafta-Gareen

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa hadal-heynta baraha bulshadda iyo warbaahinta aad u qabsadey magacaabistii Mukhtaar Roobow loo magacaabey Wasiirka Diinta ee Xukuumadda Xamza.

Roobow oo in ka badan 3 sano xabsi guri ugu jiray NISA, ayaa si lama filaan ah uga soo dhex muuqday liiska Gollaha Wasiiradda cusub, iyadoo dad badan su'aallo ka keeneen arinta ninkan kamidka ahaa aas-aasiyaasha Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay Xaflad lagu soo dhaweynayay oo Muqdisho ka dhacday Khamiistii, Roobow ayaa sheegay inuu la socdo in dad badan ay kasoo horjeesteen xilka loo magacaabey, isagoo maxbuus ah.

Roobow ayaa u diray fariin Lafta-Gareen oo kamid ah dadka diidan in Wasiir laga dhigo, waxaana uu sheegay in hadda loo baahan yahay in shacabka Koonfur Galbeed loo sameeyay dib u heshiisiin, islamarkaana la iska cafiyo wixii horey u dhacday ee dulmiga, dilka iyo afduubka, oo dadkii lagu sameeyay isaga uu kamid yahay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xiray Roobow, si C/casiis Lafta-Gareen ugu soo baxo doorashaddii Koonfur Galbeed ee la qabtay December 2018.

Roobow ayaa wararku sheegayaan inuu rabo in marka la gaaro doorashadda Koonfur Galbeed bisha December ee sanadkan uu aado Baydhabo, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha, maadaama dowaddii u diiday 4 sano kahor aan hadda dalka ka talin.

Dadka ku dhaw Villa Somalia ayaa ku doodaya in sababta Roobow wasiirka Diinta looga dhigay ay tahay in Al-Shabaab lagala dagaalamo xagga fekerka, oo ninkan horey uga midka ahaa loo adeegsado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.