Mukhtaar Roobow oo sheegay in noloshiisa halis ku jirto

Roobow oo isku dhiibay dowladda 2017 ayaa bixiyay wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii laga soo afduubey Baydhabo Dec 2018.

Warar Keydmedia Online
Mukhtaar Roobow oo sheegay in noloshiisa halis ku jirto

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow oo mar soo noqday hogaamiye ku xigeenka Al-Shabaab iyo afhayeenka Kooxda oo ka hadlay dhibaatooyin uu ku wajahayo Xabsiga.

Wareysi gaar ah oo VOA siiyay ayuu Roobow ku sheegay in noloshiisa khatar ay ku jirto, islamarkaana ay ilaalinayaan Ciidan ka amar qaata Fahad Yasin oo lagu magacaabo Diifaan.

Roobow waxuu  sheegay in uu u afduuban yahay saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya, oo ula jeedo Fahad Yasin iyo Farmaajo, islamarkaana lagu haysto si sharci darro ah.

Isaga ayaa la xiriiray VOA-da, si uu uga warbixiyo xaaladiisa iyo inuu shacabka uga warbixiyo sida loo soo afduubey, cida haysata iyo Guriga oo ku xiran yahay Ciidanka ku ilaaliya.

Wuxuu xusay inay haystaan dhibaatooyin dhanka Caafimaadka, Amniga, Nolosha iyo duruufo kale uu ku wajahayo xabsiga muddo.seddex sano ah, oo aan wax maxkamad lasoo taagin.

Mukhtaar Roobow ayaa dalbaday in dib u helo xorriyadiisa, maadaama Al-Shabaab ka baxay, islamarkaana cadeeyay fekerkiisa diiniga iyo midka siyaasadeed markuu Muqdisho tagey 2017.

Ciidanka Itoobiya ayaa Roobow kasoo qabtay Baydhabo iyadoo maalmo kaharsan tahay doorashaddii Madaxtinimada Koonfur Galbeed, isagoo ahaa musharaxa ugu cadcad tartanka.

Villa Somalia oo ka baqeysay in Musharax ay wadatay Lafta Gareen looga adkaado doorashadda, ayaa qaadatey tallaabo lagu soo xirayo Roobow, waxaana loo gudbiyay Xamar.

Kadib markii Ikraan Tahliil la dilay, waxaa soo baxay warar sheegaya in Fahad damacsan yahay inuu qaarijin rabo Roobow, oo hadii lasii daayo khatar noqon kara maamulka Lafta-gareen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.