MUQDISHO: Dab ka kacay Suuq ku yaalla Isgoyska Banaadir

Lama oga waxa sababay inuu kaco dabkan, oo baabi'yay hanti badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay lahaayeen.

Warar Keydmedia Online
MUQDISHO: Dab ka kacay Suuq ku yaalla Isgoyska Banaadir

MUQDISHO, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa Caawa qabsadey Goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Dabka illaa Digfeer, oo katirsan degmada Hodon ee magaaladda Muqdisho.

Sawiro laga soo qaadey ayaa muujinaya dabka inuu awood badan yahay, islamarkaana uu baabi'inayo dhismooyinka ganacsiyada kala duwan oo ku teedsanaa jidka dhiniciisa.

Lama oga waxa sababay inuu dabkan kaco, waxaana goobta kusii qulqulaya gaadiidka dab-demiska iyo dadweyne isku dayaya inay demiyaan dabkan oo si xowli ah kusii fidaya.

Muqdisho suuqyada ku yaalla inta badan marka dab ka kaco, waxaa ku basbeella hantida shacabka, maadaama maamulka maxaliga uusan sameynin nidaam dab-demis oo fiican.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.