MUQDISHO: Darawal nolosha loo dhaafiyay $2 oo baad ah

Maxamed Barrow wuu ahaa nin dhalinyaro ah, oo leh xaas iyo Carruur oo u shaqeynayay, isagoo Darawal ahayd xirfadda uu ku xamaasho.

Warar Keydmedia Online
MUQDISHO: Darawal nolosha loo dhaafiyay $2 oo baad ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Qiimaha Nolosha ayaa Muqdisho ka noqotay mid aan micno ku fadhin, iyadoo wadooyinka maalin walba si raqiis ah loogu dilo Darawallada Baabuurta dadweynaha.

Waxaa Maanta Isgoyska KM4 meel ku dhaw lagu dilay Maxamed Barrow, oo ahaa Darawal Gaari kuwa Xamuulka qaada, xili uu ku socday jidka 21-ka October ee dhanka Dekadda aada.

Sida ay Saaxiibadiisu sheegeen, Maxamed Barrow wuu ahaa nin dhalinyaro ah, oo leh xaas iyo Carruur oo u shaqeynayay, isagoo Darawal ahayd xirfadda uu ku xamaasho.

Gaari weyn oo Kunteenar saaran ayuu wadey, waxaana joojiyay Askar boolis ah, oo la sheegay inuu waydiiyay $2, oo markii uu diiday ama ma hayo ku dhahay uu xabad ku furay, taasoo u dhintay.

Askariga ayaa ka cararay goobta, waxaana markii dambe soo gaarey baabuur kale oo kuwa Xamuul oo rag ay saaxiib ahaayeen sameeyay isku soo bax ay ku dalbadeen in lasoo xiro askariga.

Amniga Caasimadda ma ahan mid wanaagsan, waxaa dhawaan ka dhacay weerar argagaxiso oo lagu qaadey Hayat hotel, kaasoo 30 saacadood ka badan socday, iyadoo lagu dilay 21 qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.