Muqdisho oo Bandow lagu soo rogay

Waxa uu Bandowga billaaban doonaa Caawa saddex Saac, 9:00PM, iyadoo uu socon doono illaa Isniinta Subixii 6:00AM, oo la fasaxayo isku socodka.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo Bandow lagu soo rogay

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bandow lagu soo rogay Muqdisho, kaasoo billaaban doono Caawa saddex Saac, 9:00PM, maadaama berri ay dhacayso doorashadda Madaxweynaha, oo lagu qabanayo Afisyooni, oo Garoonka diyaaradaha ku dhegan.

Afhayeenka Booliska C/fitaax Aadan Xasan ayaa ku dhawaaqay bandowga, isagoo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho Saakay, waxaana uu ku wargeliyay shacabka in dhaq-dhaqaaqa iyo sku soconka joogsan doono Caawa, islamarkaanka uu hakad ku jirayo illaa Subixii Isniinta, 6:00AM.

Sababta Bandowga ayaa ah in laga hortago qaraxyo ka dhaca Caasimadda inta doorashadda socoto, iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay isku dayayso inay carqaladeyso codbixinta ka dhacaysa Afisyooni berri, taasoo dalka uu ku dooranayo Madaxweyne cusub.

Wadooyinka ayaa Caawa lagu soo daadin doonaa Ciidamo kala duwan, waxaana xusid mudan in meelaha qaar Muqdsho berri aan ka jiri doonin socodka lugta, oo dadka laga celin doono.

Maalintii 1aad ee dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta, ayaa qof isku qarxiyay afaafka Afrik hotel, oo beegsaday bar-koontarool oo NISA leedahay, waxaana uu halkaasi ku dilay ugu yaraan 6 qof.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhowr jeer hoobiyeyaal ku garaacadey Afisyooni intii lagu guda jiray doorashadda gudoonka Baarlamaanka iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub, oo hadda isku diyaarinayo inay doortaan hogaamiye bedela Farmaajo oo xukunka haystay 5 sano iyo saddex bilood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.