Muqdisho iyo dhaawacyo hor leh

Hub qiyaastii la sheegay inuu hoobiya ahaa ayaa maanta ku dhacay Suuq yaraha Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir waxaana uu sababay qasaaro gaaray dadka shacabka ah ee ku sugnaa suuqaasi.
Warar Keydmedia Online

 

Dad goobta ka agdhawaa ayaa u xaqiijiyay Keydmedia.net in uu sababay dhaawaca 10 Ruux oo Rayid ah kuwaa oo ku sugnaa bartanka suuqa isla markaana u badnaa dad garab rarata ah oo u soo dukaameysi tagay suuqa.

Dhibanayaashii ay dhibaatadu gaadhay  wayaa waxaa u gurmaday Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah waxaana loo daad gureeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Inta badan Degmada  Xamar Jajab ayaa ku dhaca hoobiyaal habow ah waxaana la wada xusuusan yahay dhacdooyin silsilada ah oo ay degmadaasi soo martay haba ugu darnaato tii Ramadaankii la soo dhaafay ay dhibaatada weyn ku gaartay ciidamadii Naafada Xooga ee dagan Istibaal Martiini

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.