Muqdisho: Kaluumeysato cabasho muujisay

Kaluumeysatada ka xoogsata xeebaha Magaalada Muqdisho ayaa xiligan la joogo ay aad u yartahay fursadaha ay u heli karaan badda in ay ka jalaabtaan.
Warar Keydmedia Online

Waxa ay ku sheegeen sababta keentay inuu yaraado dhaqdhaqaaqooda kaluumeysi xiligan oo lagu jiro bad xiranki waxaana ay sheegeen kaluumeystada qaarkood in waqti iyo shidaal uu ka baxo laakiin marka ay tagaan gudaha badweynta aanay soo helin kaluun ku filan.

Arintan la xiriirta bad xiranka waxa ay keentay in gudaha Muqdisho laga dareemo sarakac baahsan oo dhanka kaluunka ah waxaana iminka Kiiladii Kaluunka nooca la yiraahdo Yunbiga lagu kala iibsadaa Suuqyada Muqdisho 110-120 halka kolkii hore uu ka ahaa 60-70 kun oo Shilinka Soomaaliga ah .

 

Inta badan xiliyada Bad xiranka waxaa laga dareemaa Suuqyada Dalka sarakac dhanka Kaluunka ah waxaana taasi loo aaneeyaa xiligaasi oo ay aad u adagtahay in badda gudaha loo galo isla markaana laga kaluumeesto.

Madaale Keydmedia.net Muqdisho-Somalia

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.