Muqdisho oo lagu arkay meydad aan la aqoonsan

Muqdisho (keydmedia) Meydadka laba nin oo aan la aqoonsan ayaa lagu arkay saakay waabarigii agagaarka kuliyada jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Dadkan meydadkooda lagu arkay halkaasi ayaa ahaa laba nin oo da’da 50 ka sara maray kuwaasoo aan la aqoon cidda dishay iyo sababta loo dilay midna.

Goobta dilkaasi uu ka dhacay ayaa ah meel inta badan ay ku dagaalamaan ciidamada Burundi iyo Shabaab, waxaana Suurta gal ah in labada dhan midkood uu shaki dartiis u dilay dadkaasi.

Inta badan ciidamada Shisheeye iyo kuwa Shabaabka ayaa xiliya kale duwan waxa ay ku toogteen jiidaha dagaalka dad kale duwan oo qaarkood xittaa dhimirka loogu jiray.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.