Muqdisho oo madaafiic leysku weedaarsaday

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Waxaa saakay aroornimadii ka bilowday wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho duqeymo iyo is rasaaseyn u dhaxeysa Shabaab iyo amisom iyo dowlada oo isku dhan ah.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada Amisom ayaa ku garaacay Suuqa bakaaraha hub culus oo gantaalo u badan suuqa bakaaraha oo ay ku sugan yihihiin Alshabaab, waxaana shabaab ay gudaha suuqa ka soo ridayaan hub inta ay heli karaan.

Inta xogtooda la helay 3 qof oo rayid ah ayaa geeriyootay waxaana wararku ay sheegayaan in dhaawac uu jiro.

Shaqaaqadan ayaa ku soo beegmeysa xili maalmihii la soo dhaafay ay xasilooneed mudooyinkan.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.