Muqdisho oo qiimaha Shidaalka is badalay

waxaa Saacadihii la soo dhaafay seyladaha Shidaalka lagu iibiyo ee gudaha Magaalada Muqdisho laga dareemayaa is badal ku yimid dhanka Qiimaha Shidaalka .
Warar Keydmedia Online

 

Warbaahinta keydmedia.net oo la xiriirtay qeyba ka mid ah Suuqyada Shidaalka lagu iibiyo ee gudaha Muqdisho ayaa ogaatay in qiimaha Shidaalka uu isbadal ku yimid marka laga tusaale qaato maalmihii hore.

"Litirkii Shidaalka saakay waxa aynu iibineynaa 28-kun oo shilinka soomaaliga ah kol hore waxa uu ahaa 35-kun oo shilinka Soomaaliga ah" sidaa waxaa keydmedia.net u sheegtay Xaliimo oo ka mid ah Haweenka Shidaalka ku iibiya Muqdisho.

Ganacsatada Shidaalka waxa ay ku sababeeyeen isbadlka Qiimaha Shidaalka ku yimid Markab weyn oo shidaal wada oo iminka ku xiran Dakada Magaalada Muqdisho.

Inta badan Ganacsatada Soomaalida waxa ay caadi ka dhigteen in qiima korar ay ku sameeyaan waxyaabaha ay tuhunsanyihiin in suuqa ay ku yar yihiin, waxaana nidaamkaasi uu ka mid yahay qaababka ganacsatada ay ku cuna qabateyso bulshada.

 

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.