Muqdisho wali kala xiran

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Waxaa mudo ku dhaw todobaad hakad ku jiraa isu socodkii magaalada muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo kolkii hore hal wado ay xiriirin jirtay.
Warar Keydmedia Online

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii dagaal uu ka dhacay wadada warashadaha isla markaana ciidamo ka tirsan kuwa Amisom iyo dowlada ay fariisimo ka dhigteen wadada qeyb ka mid isla markaana alshabaab ay ka soo jeesteen dhanka Shiirkole taasoo aag dagaal ka dhigtay wadada.

Ganacsatada iyo shacabka ayaa arinkan si weyn uga cabanay, waxaana adag iminka in la galo suuqa bakaaraha iyadoona dadka ay marayaan wado ka baxda duleedka dayniile oo ka soo dhaceysa dhanka gubta isla markaana looga soo dhaco wadada warshadaha sidaana lagu tago bakaaraha.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.