Mursal oo dastuur jebin lagu eedeeyay

Guddoomiye Mursal ayaa dhawaan sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa eedeyn culus u jeediyay gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal, taasoo ah inuu jebiyay dastuurka dalka.

Deni oo ka hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay in Mursal uu hareermaray dastuurkii lagu heshiiyay, maadaama uu dafiray doorkii Shaqadda Aqalka Sare.

Eedeynta Deni ayaa timid kadib markii Mursal uu dhawaan sheegay in Golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka, islamarkaana la xisaabtamaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.