Mursal oo ka hadlay Mooshinka xil ka qaadista Rooble

Villa Somalia ayaa ku qasabtay inuu Mursal si deg deg ah usoo saaro qoraal uu ku beeninayo inuu jiro Mooshin xilka looga qaadayo Rooble.

Warar Keydmedia Online
Mursal oo ka hadlay Mooshinka xil ka qaadista Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu beeniyay wararka sheegaya inuu jiro Mooshin la diyaariyay oo Sabtida xilka looga qaadayo Rooble, kadib markii uu kasoo horjeestay Muddo-korarsiga Farmaajo.

Mursal wuxuu xusay in Gollaha Shacabka uusan damacsanayn xiligan inuu kalsoonida kala noqdo Rooble, isagoo caddeeyay inu Kulanka Sabtida, 1-da May uu yahay mid Farmaajo hor-imaan doono, oo ka dalbanayo in dib looga laabto Muddo-korarsiga.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa horey u sheegay in hadii Farmaajo oo gorgortan ka galo Muddo-kordhinta ay u sameeyeen ay isaga xilka ka qaadi doonaan, lama oga inay hadalka ka dhabeyn doonaan iyo in kale.

Farmaajo khudbadiisii habeen hore kuma uusan soo hadal-qaadin inuu ka noqday Muddo-korarsiga, taasoo shaki wayn abuurtay, iyadoo Musharixiinta ay heleen xog ah inuu Rooble xilka ka qaadayo, kadibna u diyaargaroobayo dagaal uu Muqdisho uga saarayo Mucaaradka.

Mursal ayaa mudooyinkii dambe ahaa mindida uu Farmaajo wax ku gooyo, isagoo loo adeegsaday xilka qaadistii Khayre sanadkii hore iyo muddo-korarsigii 12-kii bishan April, kaasoo dalka geliyay qalalaase siyaasadeed iyo dagaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.