Mursal oo xilka ku wareejiyay Sheekh Aadan Madoobe

Xil-wareejinta waxay ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa, oo Maanta Xildhibaanada kulan isagu yimaadeen, iyadoo fadhiga ay soo xaadireen Xildhibaanada Ceel-Waaq iyo kuwa Garbahaarey.

Warar Keydmedia Online
Mursal oo xilka ku wareejiyay Sheekh Aadan Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta xilka la wareegay Sheekh Aadan Madoobe, oo 27-kii bishan lagu doortay Afisyooni, isagoo bedelay Maxamed Mursal oo afar sano xafiiska joogay.

Sheekh Aadan Madoobe oo 2007-2010 soo qabtay xilkan xiligii Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xalinta khilaafka ka taagan doorashadda Xildhibaanada gobolka Gedo.

Afhayeenka Gollaha Shacabka ayaa sheegay in uusan la shaqeyn doonin cid gaar ah, balse ku dadaali doono sidii u qaban lahaa doorasho Madaxweyne, oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqey in Xildhibaanada galayaan Maanta kadib fasaxa Ciidul Fitr, oo ay isku soo laaban doonaan 4ta bisha May, oo dib loo billaabi doono fadhiyadda caadiga.

Maxamed Mursal ayaa warbixin ku saabsan waxqabadkii Baarlamaankii 10aad ka jeediyay Goobta, isagoo xusay in Baarlamaanka 11aad, oo isaga Xildhibaan ka yahay u rajeynayo Guul.

Mursal ayaa lagu xasuusan doonaa in Baarlamaankii hore uu hoos geeyay Farmaajo, oo ka dhigay meel danihiisa ku fusho, waxaana kamid ah in lagu meel-mariyay Mooshin mudo-kordhin ah 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.