Musharixiinta mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loo dedejin lahaa doorashadda Soomaaliya, iyadoo Mucaaradka ay caddeeyeen mowqifkooda inay doonayaa hanaan hufan oo loo dhan yahay.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka, ayaa Maanta la kulmay Wakiiladda Beesha Caalamka, oo ay kawada hadleen arrimo la xiriira doorashadda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Xalane ayaa waxaa ka qeybgalay Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Musharixiin kale, kuwaasoo Safiiradda ajnabiga la wadaagey dareenkooda doorashadda.

waxay sheegeen in daaha iyo dib u dhaca doorashadda ay ku abuurtey walaac wayn, maadaama hanaanka sii jiitamaya uu keenay inay ka niyad-jabaan, islamarkaana rajadooda yaraato.

Beesha Caalamka ayaa dhankooda muujiyay walaacaas oo kale, iyagoo tilmaamay in hadii aan doorashadda lasoo afjarin kahor inta uusan 2021 dhamaan ay joojin doonaan taageeradda.

Kulanka ayaa kusoo dhamaadey si wanaagsan oo is-fahan ah, iyadoo musharixiinta balan-qaadeen inay qeyb ka noqdeen dadaallada lagu qabanayo doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah.

Jimcihii lasoo dhaafay, Saaxiibadda Beesha Caalamka ayaa ugu baaqey Madaxda DF iyo Maamullada inay si dhaqso ah ku qabtaan doorashadda Aqalka Hoose oo 273 kursi ka harsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.