Musharixiinta oo cadeeyay mowqifkooda go’aanka FEIT

Waxay ugu baaqeen Maamulada inay faraha kala baxaan howsha dhaarinta Xildhibaanada cusub, taasoo ay sheegeen inay u taallo Gollaha Wadatashiga Qaran.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo cadeeyay mowqifkooda go’aanka FEIT

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka ayaa soo saarey qoraal ay ku taageereen go'aankii Gudiga doorashadda Heer Federaal ee FEIT oo ah in Xildhibaanada cusub la dhaariyo 14-ka bisha April.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in dib-u-dhac iyo daaha sanad ka badan ee doorashooyinka dalka, ay sababeen firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

Waxay ku baaqeen in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan mas'uuliyada Gudiga, ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka.

Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda.

Ugu dambeyntii, Goluhu wuxuu ugu baaqay Maamulada in ay faraha kala baxaan hawlaha Gudiga ee dhaarinta Baarlamaanka, iyadoo uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan FEIT, meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.

Safaaradda Mareykaka ayaa sidoo kale taageertay in Baarlamaanka cusub la dhaariyo 14-ka April, si ay howlaha doorashadda Madaxweynaha bedeli doona Farmaajo loo guda galo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.