Musharixiinta oo war culus kasoo saaarey doorashadda

Goluhu wuxuu 30 November 2021 u caddeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan qayb ka ahayn, aqbalayna boobka qaawan ee doorashada golaha shacabka ay ku billaabatay.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo war culus kasoo saaarey doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay galabta Midowga Musharixiinta shirarkii uga socday Muqdisho, ayaa looga hadlay musuq-maasuqa doorashadda ka socota dalka.

Waxay ku baaqeen in la joojiyo doorashadda, lana qabto shir weyne ay isagu imaanayaan Beesha Caalamka, dowladda dhexe, Maamulada, Bulshadda Rayidka iyo Musharixiinta.

Shirka ayaa lagu sixi doonaan qaladaadka ka jira doorashadda, islamarkaana jidka saxda ah loogu soo celinayaa hanaanka lagu dooranayo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee BFS.

Goluhu wuxuu 30 November 2021 u caddeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan qayb ka ahayn, aqbalayna boobka qaawan ee doorashada golaha shacabka ay ku billaabatay.

Waxay sheegeen Musharixiinta inay kala xulanayaan hadba tallaabada ku haboon ee dalka looga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo, mar hadii doorashadda lawada sugayay la boobay. Goluhu wuxuu xusay in mudnaanta siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashooyinka lagu wado, isagoo taas ka duulaya ayuu Goluhu soo jeedinayaa:

1-In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

2-In la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado, si ay taas u hirgasho waxaa lagama maarmaan ah;-

a) In la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi- beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta.

b) In la xaqijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, la diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda.

c) In kursi kasta lagu tartamo isla markaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro.

d) In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan.

e) In dib loogu laabto doorashada kuraasta la boobay lana waafajiyo habraaca doorasho ee lagu heshiiyo.  In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso doorashada.

g) In aan baaritaan lagu celin karin xubnihii Baarlamaankii hore, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo,keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh.

h) In murarashaxiinta u tartamaysa kursi kasta ay helaan fursado siman oo ay ergada kursiga kula kulmi karaan, ergadana aan loo didin inay si siman u arki karaan murashaxiinta kursiga

i) In aan Muqdisho loo soo wareejin karin kuraas deegaan doorasho kale.

j) In la xaqijiyo qoondada haweenka lana qeexo sida ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo goondaynta loogu beegsanayo murashax gaar ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.