Muslimiinta Kenya oo ka careysan kufsi ay ku kaceen ciidamada Kenya

Dhadhaab(keydmedia) Hey’adda culimada muslimiinta Kenya ayaa canbaareyn dusha uga tuurtay ciidamada booliska Kenya oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyay Kenya.
Warar Keydmedia Online

Shiikh C.llaahi Salaad Cumar oo ah gudoomiyaha hey’adda culimada Islaamka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Booliska Kenya ee xuduuda ku sugan ay kufsadeen hooyo Soomaaliyeed oo 5 caruura ah leh taasoo laga soo masaafuriyay Dalka Kenya , waxaana uu xusay in falkaasi ay fuliyeen 3 askari oo kenyaan ah.

Waxa uu sheegay Shiikha in ay dadaal badan u gali doonaan sidii gabadhaasi xuquuqdeeda ay u heli laheyd isla markaana ay ku qasbi doonaan dowlada Kenya in ciqaabta shaqsiyaadka falkaasi fuliyay.

Falkan ma ahan kii ugu horeeyay ee ciidamada kenyaanka ay kula kacaan Haweenka Soomaaliyeed ee ka barakaca colaadaha Soomaaliya maciinsadana Dalka Kenya.

 Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.