Muuqaalka raggii weeraray Saldhiga Mareykanka oo la baahiyay

Saddex kamid ah waa Ajnabi u dhashay Tanzania, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo qeyb wayn ka qaatey weerarka.

Warar Keydmedia Online
Muuqaalka raggii weeraray Saldhiga Mareykanka oo la baahiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaalka raggii fuliyay weerarkii Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Camp Simba, oo ku yaalla Manda Bay, gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Baahinta muuqaalka ayay Al-Shabaab kusoo beegtay labo maalin kahor sanad-guuradda 1aad ee kasoo wareegatay weerarka, oo lagu dilay hal askari oo Mareykanka iyo labo qandaraasliyaal ahaa.

Waxay kala ahaayeen raggan, Cali Maxamed Cali oo kasoo jeeday Itoobiya, waxna ku bartay Nairobi, Mowlaana Faaruuq oo u dhashay Yemen oo weerarka hogaaminayay, Abubakar Al-Muhajir oo kasoo jeeda Tanzania, C/weli Maxamed, oo Soomaali ahaa, sidoo kalena ku xigeenka hogaamiyaha weerarka ahaa iyo Aadan Imaan Yuusuf, oo isna Soomaali ahaa.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa qaatey ku dhawaad hal saac, waxayna ku weerareen Al-Shabaab illaa 20 dagaalyahan, oo sida dowladda Mareykanka sheegtay 5 kamid ah la dilay, labo kalena nolosha lagu qabtay.

Dhowr diyaaradoo oo saldhigga yaallay ayay Al-Shabaab gubtay, iyadoo weerarka kadib goobta la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo Mareykanka u diray si ay u xoojiyaan kuwii horey u joogay, oo tiro ahaan lagu qiyaaso 100.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.