Muuse Biixi oo ‘cafiyay’ Maxamed Cumar Carte

Ra'isul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa, kadib cafis uu ka helay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. 

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo ‘cafiyay’ Maxamed Cumar Carte

Maxamed Cumar Carte oo hore soo noqday Ra'isul Wasaare ku-xigeen ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid Sharmaarke ayaa sida ay baahisay warbaahinta deegaanka booqanaya Aabihiis oo jiran. 

Sida lagu xusay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Cumar Carte ayaa cafis ka helay, waxaana loo ogalaaday in uu yimaado Magaalada Hargeysa. 

"Waxaan go'aamiyey in aan saamaxaad u fadiyo Maxamed Cumar Carte, maadaama uu ka noqday fikirkiisa hore" ayaa ku qorneed War-saxaafadeedka kasao baxay Xafiiska Muuse Biixi. 

KEYMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.