Muuse Suudi oo dhanka madaxweynaha u jiheestay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Muuse Suudi yalaxow oo hore uga tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya isla markaana dhawaanahan taageersanaa siyaasada gurcan ee hogaamiye kooxeed Shariif Xasan ayaa iminka u muuqda inuu u jiheesta dhanka madaxweynaha.
Warar Keydmedia Online

Kulan ka dhacay Hotelka Wehliye oo ujeedadiisu aheyd tira badinta taageerayaasha madaxweynaha ayaa shalay  waxa ku wada yeeshay Maareeyihii hore ee dekada magaalada Muqdisho iyo Yuusuf Cali Ceynte, waxaana labada xildhibaan oo ka tirsan taageerayaasha madaxweynaha ay ka dhaadhiciyeen  Muuse Suudi inuu ku soo biro Safkooda.

Wararka qaarkood waxa ay sheegayaan in Yalaxow uu shuruudo adag ku xiray ka mid noqoshada taageerayaasha madaxweynaha, waxaana ka mid ahaa shuruudahaasi in la siiyo lacago badan si uu u taageero madaxweynaha.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.