Muxuu CCWarsame kala hadlay Xoghayaha guud ee NRC?

Ergeyga ayaa sidoo kale hoggaanka NRC ku boorriyay in ay dowladda ka gacan siiyaan sidii indhaha adduunka loogusoo jeedin lahaa xaaladda abaaraha Soomaaliya. Wafdiga ayaa arrinkaas ka guddoomay Ergayaga una ballanqaaday gacan siin buuxda.

Warar Keydmedia Online
Muxuu CCWarsame kala hadlay Xoghayaha guud ee NRC?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay, Xoghayaha guud ee hay’adda NRC, Jan Egeland oo ay wehliyeen xubno sare oo hay’adda u qaabilsan geeska Afrika iyo Yemen.

Madaxa xafiiska Soomaaliya ee Norwegian Refugee Council, Maxamed Cabdi iyo Haakon Svanne oo ah ku xigeenka danjiraha Noorwey ayaa xoghayaha ku wehliyay kulanka, waxayna ergayga warbixin ka siiyeen howlaha kala duwan ee gargaarka ku aaddan ee hay’adda NRC iyo safaaradda Norway.

Ergeyga ayaa uga mahad celiyay howlaha bani’aadannimo oo ay hayaan, wuxuuna ka codsaday in ay sare u qaadaan kaalmada ay ugu tala galeen shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, iyo sidoo kale in ay kordhiyaan wax ka qabashada howlaha naf badbaadinta ah iyo gurmadka degdegga ah.

Ergeyga ayaa sidoo kale hoggaanka NRC ku boorriyay in ay dowladda ka gacan siiyaan sidii indhaha adduunka loogusoo jeedin lahaa xaaladda abaaraha Soomaaliya. Wafdiga ayaa arrinkaas ka guddoomay Ergayaga una ballanqaaday gacan siin buuxda.

In ka badan 7.1 Milyan [Todobo malyan iyo boqol kun oo qof] oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, dhammaan gobollada dakana ay ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid iyo gurmad degdeg ah u baahan.

Hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas abaaruhu saameeyeen waa carruur, kuwaas oo 400,000 oo ka mid ah ay nafa-darro hadda wajahayaan, halka ku dhawaad hal malyan ruux ay tan iyo billowgii sannadkii hore ku qasbanaadeen inay ka barakacaan guryahooda abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.