Muxuu geeska Africa kaga dhigan yahay codkii laga duubay Abiy Axmed?

Codka sirta ah ee bannaanka yimid, dalalka geeska, gaar ahaan shacabka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu u yahay akhbaar wanaagsan oo soo gaartay, maadaama uu fashilamay isku day isku xiran oo la doonayay in dalalkaan nidaam kali-talis ku doodiyo tobanaanka sano ee soo socda.

Warar Keydmedia Online
Muxuu geeska Africa kaga dhigan yahay codkii laga duubay Abiy Axmed?

ADDIS ABABA, Itoobiya -  Shirkadda Warbaahineed ee Kello Media, ayaa dhawaan baahisay cod sir ah oo laga duubay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed,  kaas oo uu ku sheegayo in aysan jirin cid awood u yeelan karta in ay Xukuumad soo dhisto 10-ka sano ee soo aaddan, isla markaana uu geeri ka xigo wareejinta xilka uu hayo.

Sida la aaminsan yahay codkan ayaa la duubay intii uu socday kulan ay lahaayeen xubnaha xisbiga haya talada Itoobiya ee Prosperity Party, kaas oo sacab iyo sawaxan isku badalay kadib hadalka Abiy.

Inkastoo Xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy, uu beeniyay codka, kuna tilmaamay been abuur la isku keenkeenay, hadana ma jirto wax caddayna ah oo Xaafiisku soo bandhigay, taas oo loo qaateen ka dhigi karta is bari-yeelidda Abiy Axmed.

Hadaba Muxuu geeska Africa kaga dhigan yahay codkii laga duubay Abiy Axmed?

Sida ay Keydmedia Online ku sheegtay qoraalkii “Halkay ku danbeeyeen xulufadii Geeska Afrika”?, Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa bartamihii sanadkii 2018, ku dhawaaqay is-kaashi dhex maraya Saddexda waddan, kaas oo salka ku hayay arrimo siyaasadeed, hayeeshee, Jilaayaashu ku sheegeen, isku xirka xaaladda amni iyo kobaca dhaqaalaha dalalkan.

U jeedkii laga lahaa is-kaashigaas oo ahaa in Farmaajo iyo Abiy ay xoog ku fadhiyaan kuraasta sida Isaias Afwerki, ayaa bannaanka u soo baxay bartamihi sanadkii la soo dhaafay, kadib markii ay soo dhawaadeen doorashyinka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo labada hoggaamiye ay si buuxda uga hor yimaadeen in doorashooyinka lagu qabto xilligoodii.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, si cad ayuu meel fagaaro ah uga sheegay in joogitaanka afarta sano ee xaafiiska aysan munaasib ahayn, isla markaana loo baahan yahay in talada dalka hal ruux iska hayo sida Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xilli uu ku sugnaa Jabuuti labo sano ka hor.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed, ayaa dajiyay qorshahan, si uu gaashaan-buur siyaasadeed u helo, wuxuuna la heshiiyay kali-taliska Eritrea Isaias Afwerki, kadibna wuxuu figradda hoggaamiyaal Kaligood-taliyeyaal ah oo ka hana qaada geeska Arica ka dhaadhacsiiyay Farmaajo.

Kadib markii la isku af-gartay hirgalinta hannaankaas, waxaa lagu ballabay in laga sii maato cadaadiska ka imaan doona reer galbeedka Mareykanku hoggaamiyo, loona baxsado dhanka shuucidda Ruushka iyo Shiinaha, taas oo si buuxda loogu qanciyay MW waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo oo bartamihii 2018 heshiisyo arrintaan la xariirta la galay Xi Jinping.

Codka sirta ah ee bannaanka yimid, wuxuu dalalka geeska Afrrica, kaga dhigan yahay in ay ka badbaadeen shirqool ay saddex nin maleegeen, kaas oo aan haariyiisa laga soo waaqsan lahayn muddo dheer, waxay ay kaga dhigan tahay in ay ka badbaadeen burburinta nidaamka Fadaraalka ee ka jira Soomaliya iyo Itoobiya.

Codka sirta ah ee bannaanka yimid, wuxuu ka turjumayaa habdhaqanka Farmaajo iyo Abiy Axmed, oo ku lug xirtay Isaias Afwerki, kuwaas oo si hankoodu ugu hirgalo huriyay colaado iyo dagaallo ka dhacay labada dal, isla markaana hor istaagay doorashooyin xilligoodii ku dhaca.

Codka sirta ah ee bannaanka yimid, dalalka geeska, gaar ahaan shacabka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu u yahay akhbaar wanaagsan oo soo gaartay, maadaama uu fashilamay isku day isku xiran oo la doonayay in dalalkaan nidaam kali-talis ku doodiyo tobanaanka sano ee soo socda.

Hadda rajadii hoggaamiya-yaashaan fashilmay, waxay u muuqataa hal bacaad lagu lisay, Abiy Axmed, waxaa loo heystaa danbiyo dagaal iyo xasuuq bani’aadannimo, kadib dagaalladii uu la galay Jabhadda TPLF, halka Farmaajo laga itaal roonaadday markii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, ka hor yimaadeen muddo kordhin uu sameystay, si uu xilka u sii hayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.