Muxuu Aadan Madoobe ka yiri xarigga Abuu Mansuur?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka hoose, Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] ayaa sharci darro ku tilmaamay sababta uu ku dhawaad afar sano xukun la’aan xabsiga ugu jiro  Mukhtaar Roobow.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Aadan Madoobe ka yiri xarigga Abuu Mansuur?

MUQDISHO, Soomaaliya – Sheekh Aadan Maxamed Maxamed [Madoobe], Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad JFS, ayaa sifo sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii ay Dowladdii hore ku xirtay Sheekh Mukhtaar Roobow [Abuu Mansuur] oo hore uga tirsanaa hoggaanka Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay Universal TV, ayuu Aadan Madoobe ku sheegay in Abuu Mansuur, uusan u xirneyn Dowladda hadda jirta, isla-markaana ay madaxda dalka ugu sarreysa go’aan ka gaari doonaan xariggiisa, maadaama aan makamadu xukumin, ku dhawaad afar sanana uu u jeeddooyin siyaasadeed ugu xiran yahay Taliska NISA ee Habar Khadiijo.

“Anigu waxaan ku jiray dadka diiddanaa sida loo xiray Mukhtaar, sida lagu soo xiray wax toosan uma arko, isaga ayaa ka soo baxay Al-Shabaab, waana la aaminaya ilaa baasaboor Diplomacy ah la siiyo, Dowaladdii hore ayuu u xirnaa ee tan hadda jirta uma xirna, go’aan kale ayay ka gaari doonaan madaxda hadda joogta” ayuu yiri Madooobe.

Dhanka kale, dhawaan Afhayeenka Madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, oo warbaahintu weydiisay waxa Dowladda cusub kaga qorshe ah xarigga, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa sheegay hadal la ceyn ah midka Guddoomiye Aadan Madoobe, oo ah in Abuu Mansuur uusan u xirneyn Dowladda hadda jirta.

Bartamihii bishii 8-aad ee 2017, Sheekh Mukhtaar Roobow, oo warbaahinta kula hadlay hotel ku yaala Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xubinnimada Al-Shabaab uu ka baxay 5 sano iyo 7 bilood ka hor xilligaas, wada-hallo dhex maray isaga iyo Dowladda Federaalka ayaa sababay in loo fidiyay cafis buuxa.

Hayeeshee, Ciidamada Itoobiya ayaa 13-kii bishii December 2018, magaalada Baydhabo ka af-duubay, si uusan uga qeyb galin tartanka doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, sababo la xariira in Farmaajo, Fahad iyo Kheyre ay Lafta-gareen u rabeen xilkaas, wuxuuna tan iyo xilligaas maxakamad la’aan ugu xiran yahay qol ku yaalla Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.