Muxuu ku saabsan yahay Shirka Xasan Sheekh ka furay Villa Somalia?

Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu bud-dhig u sameeyo xiririkiisa Maamullada dalka, oo intii uu Farmaajo xafiiska joogey qaarkood meeshii ugu hooseysay gaarey.

Warar Keydmedia Online
Muxuu ku saabsan yahay Shirka Xasan Sheekh ka furay Villa Somalia?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Maanta ka furey Villa Somalia shirka Wadatashiga Qaran, oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Shanta Maamul iyo duqa Caasimadda.

Maanta waxaa shir gudoomiyay kulan socon doono labo maalin, oo ay isagu yimaadeen hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray inay isku raaceen madaxda in ay si dhaw uga wada-shaqeeyaan mustabalka dalka, arrimaha dastuurka, amniga, arrimaha bini'aadanimada iyo dhaqaalaha.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka," ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Waa Kulankii ugu horeeyay oo Xasan Sheekh u qabto Madaxda Maamullada dalka tan iyo markii la doortay 15-kii bishii lasoo dhaafay, iyadoo hadda laga filayo Madaxweynaha cusub inuu magacaabo Ra'iisul Wasaarihiisa hogaamin doona Gollaha Fulinta [Wasiiradda].

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu doonayo in bud-dhig u sameeyo xiririkiisa Maamullada dalka, oo intii uu Farmaajo xafiiska joogey qaarkood meeshii ugu hooseysay gaarey.

SAWIRRO:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.