Muxuu MW Xasan kala hadlay Madaxda Adduunka?

Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo safaarad ku leh Washington,D.C. taas oo dib loo furay kalkii hore ee MW Xasan sheekh, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Muxuu MW Xasan kala hadlay Madaxda Adduunka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Maraykanka uga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Intii uu ku sugnaa Maraykanka Madaxweynaha ayaa hoggaamiyayaasha dalalka Adduunka la wadaagay halganka xooggan ee ka curtay Soomaaliya, kaasoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajir isaga xoreynayaan Kooxda Al-Shabaab.

MW Xasan ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa in la dardar-galiyo u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu wax-yeelleeyeen, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay madaxda adduunka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia, Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Maraykanka ku adkeeyey dhibaatada Al-Shabaab ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo sida ay muhiim u tahay in ay ka qeyb qaataan howlagallada hadda socda.

MW Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay xilligaan qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynuhu wuxuu kulan-doceedyo la qaatay madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka”, ayaa lahu yiri warka ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu ku sugnaa New York iyo Washington kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd James Austin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.