Muxuu MW Xasan Sheekh ka yiri amniga sii xumaanaya ee Muqdisho?

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay qaadi doono tallaabooyin la xiriira amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama nabad iyo xasilooni la'aan aysan Soomaaliya gaari karin horumarka ay hiigsanayso.

Warar Keydmedia Online
Muxuu MW Xasan Sheekh ka yiri amniga sii xumaanaya ee Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa qiray in Amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda uu u baahan yahay in wax laga qabto, maadaama xaaladda taagan aysan ahayn mid dowladda ku shaqeyn karto, oo shacabkana ku noolaan karaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay qaadi doono tallaabooyin la xiriira amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama nabad iyo xasilooni la'aan aysan Soomaaliya gaari karin horumarka ay hiigsanayso, oo ah doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka dowladda oo lagu baahiyo dhamaan dalka.

Waxaana uu sheegay in aan loo dulqaadan karin kooxaha dhibaatada ku haya dadka Shacabka. Waa la dagaalamaynaa qof walba oo lidi ku ah amniga, mana socon doonaan falalka dhacaya," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu Madaxweynaha ku baaqey in aan xabsiyadda iyo Maxkamadaha looga daba imaan dembiilaha marka gacanta kusoo dhigaan Ciidamada amniga, ee u xilsaaran ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta dalka.

Marka laga soo tago Al-Shabaab, waxaa amniga Caasimadda qalqal ku haya Ciyaal-Weero, oo ku faafay dhamaan magaaladda, kuwaasoo billaabay dhac, dilal iyo kufsi, iyadoo booliska ay u caal-waayeen kooxahan abaabulan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celceliyay in ahmiyadda 1aad ay dowladdiisa siinayso amniga iyo la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab, oo isbaaro u dhigtay sida uu sheegay dalka iyo dadkiisa.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili Al-Shabaab ay kordhisay weerarada gudaha dalka iyo Itoobiya, iyadoo shalay qarax lagu dilay Baydhabo wasiirkii Cadaaladda KG Xasan Ibraahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.