Muxuu MW Xasan Sheekh kala kulmay booqashadiisa Baxdo?

Baxdo waxay ahayd meel lagu xasuusta casharkii Al-Shabaab loogu dhigay bishii June ee sanadkan, kadib markii maalin kaliye looga dilay 70 xubnood oo weerar kusoo qaaday.

Warar Keydmedia Online
Muxuu MW Xasan Sheekh kala kulmay booqashadiisa Baxdo?

BAXDO, Soomaaliya - Xasan Sheekh, oo ay la socdaan Qoor-Qoor, Odowaa, Saadaq Joon, Wasiir difaaca C/qaadir Maxamed Nuur iyo Saciid Siyaad ayaa Maanta gaarey degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, si uu ugu kuurgalo xaaladda amni iyo nolosha dadka ku nool yihiin.

Madaxweynaha ayaa boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur, isagoo ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waqti kooban lagu xoreeyo degaanada GALMUDUG.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in reer Baxdo, ay qaateen go'aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in Maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan degaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada Al-Shabaab, kadib markii Kooxda cashar u dhigeen June 2022, oo hal maalin ka dileen 70 dagaalyahan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen maamulka Al-Shabaab, oo Baxdo ay kamid tahay.

Xasan Sheekh ayaa Maanta ku billaabey safarkii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la filayaa inuu tago degaanno dhawaan laga saarey Al-Shabaab, oo ku yaalla Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.