Muxuu qaban doonaa TV-ga uu daah-furay MW Xasan?

Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Warfaafinta in qeybtan u xilsaaran wacyigelinta ka dhanka ah fikirka xagjirnimada ay noqoto mid hoggaamisa dagaalka lagula jiro fikiraddaas, isagoo sheegay in ay kaashadaan Wasaaradaha dhiggooda ah ee heer dowlad-goboleed.

Warar Keydmedia Online
Muxuu qaban doonaa TV-ga uu daah-furay MW Xasan?

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo hore u ballaan-qaaday in dagaalka military ee ka dhanka ah Al-Shabaab lagu soo kordhin doono wajiyo hor leh ayaa maanta xarigga ka jaray warbaahin u gaar ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Xaruntaan warbaahineed ee maanta la daah-furay ayaa hoos tagta warbaahinta Qaranka, taas oo loogu tala-galay in shacabka Soomaaliyeed lagaga wacyi-geliyo fikirka xagjirnimada ah oo dhibaato weyn ku haya dalka, dibna u dhigay horumarkii Dowladnimada.

Mw-naha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda sida ay ugu istaagtay la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka mid ah saddexda qorshe ee lagu cirib tirayo Al-Shabaab oo kala ah; dagaalka fikirka, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka ka socda furimaha dagaalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in mowqifkaasi uu horseeday guulo isdaba joog ah oo laga gaaray dagaalka”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Warfaafinta in qeybtan u xilsaaran wacyigelinta ka dhanka ah fikirka xagjirnimada ay noqoto mid hoggaamisa dagaalka lagula jiro fikiraddaas, isagoo sheegay in ay kaashadaan Wasaaradaha dhiggooda ah ee heer dowlad-goboleed.

Madaxwaynaha oo bishii July khudbo ku saabsan istaraatiijiyadda mustaqbalka Soomaaliya ka jeediyay dood uu soo qaban qaaban-qaabiyay mahcadka SETA ee dalka Turkiga, ayaa xusay in DFS ay dagaalka Military ku kordhin doonto mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Fikirka iyo Dhaqaaluhu waa udub dhexaadka jiritaanka Kooxda Al-Shabaab, Kooxdu waxa ay dhallinyarada ka iibisaa fikraddeeda ka hor inta aysan ka dhaadhicin in ay ku biiraan, halka dhaqaaluhu yahay shidaalka u sii oggolaanaya in ay sii bullaalaan awood ahaan.

Shantii sano ee Farmaajo dalka hoggaanka u hayay, awoodda ciidan ee Al-Shabaab lama waxyeelleyn, mana jirin howl-gal weyn oo lagu qaaday, dhaqaale ahaanna si weyn ay u kordheen, maadaama loo oggollaaday in ay irid kasta canshuur ka qaadaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.