Muxuu Qoor-Qoor kala hadlay Safiirka Mareykanka?

Mareykanka ayaa door weyn ku leh la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, waxaana ka joogaa illaa 700 oo Askari oo saldhigyo ku leh Beledoogle iyo meelo kale.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Qoor-Qoor kala hadlay Safiirka Mareykanka?

MUQDISHO, Soomaaliya  -  Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa Xalane kula kulmay Safiirka Mareykanka Larry Andre maalintii shalay.

Labo qodob oo kala ah la dagaalanka Al-Shabaab iyo taageeradda Mareykanka ee Galmudug, dhinacyada mashaariicda horumarineed.

Safiirka Mareykanka ayaa u sheegay Qoor-Qoor in Safaarada ay diyaar u tahay inay taaheero siiso Galmudug.

Galmudug waxay kamid tahay meelaha Mareykanka duqeymaha ka fuliyo dalka Soomaaliya, oo hadda ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Qoor-Qoor ayaa intii uu xafiiska joogay lagu eedeeyay waxqabad la'aan, iyadoo maamulkiisa noqday mid ka harey maamulada kale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.