Muxuu Rooble naftiisa halista ugu galay safarka dhulka ee Balcad?

Madaxweyne Guudlaawe ayaa kusoo dhaweeyay magaaladda, oo qiyaastii 30-KM uga beegan dhanka Waqooyi Caasimadda dalka,ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Rooble naftiisa halista ugu galay safarka dhulka ee Balcad?

BALCAD, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble, ayaa safar kedis ah ku tagey Maanta degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo wata Ciidamo badan oo ilaalinaya.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Mas'uuliyiin kale, iyadoo magaaladda uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

RW Rooble ayaa halis u geliyay noloshiisa inuu ku socdaallo wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad oo Al-Shabaab dhowr Xildhibaan iyo Saraakiil ku dishay, iyadoo weeraro ka dhacaan.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimo ayaa sheegay in ujeedka safarka Rooble uu salka ku hayo u kuur-galista xaaladda amni iyo horumarka ka socda degmada.

Waxa uu ku doortan inuu dhanka dhulka ku gaaro magaaladda in indhihiisa ku arko dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira Caasimadda iyo Baclad iyo xaaladda amni degaanka ka jirta.

Balcad oo 30-KM uga beegan Muqdisho waxay hoostagtaa HirShabeelle, iyadoo jidka ku xira qeybaha kale ee gobolka sida Jowhar loo mari waayay weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.