Muxuu Safiirka Qatar kala hadlay Mahdi Guuleed?

Qatar ayaa xiriir dhaw la leh Fahad iyo Farmaajo oo u fadhiya Villa Somalia, waxaana Mahdi Guuleed oo kamid yahay guul-wadiyaasha labada shaqsi ee ugu awoodda badan dowladda.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Safiirka Qatar kala hadlay Mahdi Guuleed?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Xasan Xamza Hashem.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka iskaashi ee labada Qatar iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka Qatar ee QNA.

Qatar ayaa xiriir dhaw la leh Fahad iyo Farmaajo oo u fadhiya Villa Somalia, waxaana Mahdi Guuleed oo kamid yahay guul-wadiyaasha labada shaqsi ee ugu awoodda badan dowladda.

Doha waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay kusoo celin lahayd Farmaajo, iyadoo u diyaarisay malaayiin dollar oo codadka loogu iibinayo, si aysan uga adkaan Musharixiinta Imaaraatdka uu wato.

Lacagta Qatar ayay Xasan Sheekh iyo Farmaajo ku guuleysteen 2012 iyo 2017, waxaana xusid mudan in ajandaha Qatar uu yahay inay dalka siyaasad ahaan maamusho, oo Imaaraadna ka ilaaliso.

Fahad Yaasiin oo u adeegga Qatar ayaa Xildhibaan noqdey, wuxuuna u socdaa inuu noqdo gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka, kursigaas oo uu ku fadhiyay C/weli Muudey.

Hay'adda Sirdoonka dalka ee NISA iyo Madaxtooyadda Villa Somalia waxaa ka talinayay shantii sano ee lasoo dhaafey dowladda Qatar oo amarkeeda iyo rabitaankeeda lagu shaqeynayay.

Inkastoo aan la go'aamin karin cida ku guuleysan doonto Kursiga Madaxweynaha, haddana Kooxda ololaha doorashadda Farmaajo waxay sameynayaan dadaal xooggan, iyagoo adeegsanaya oo lacag iyo awood ciidan, oo lagu handadayo Xildhibaannada cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.