Muxuu Shirka Rooble uga duwan yahay Shirarkii Farmaajo?

Dhamaan Madaxda Maamullada ayaa aqbalay casuumaadda Rooble u fidiyay si shuruud la'aan ah.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Shirka Rooble uga duwan yahay Shirarkii Farmaajo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir u dhaxeeya DF iyo Maamullada, oo arrimaha doorashooyinka looga hadlayo ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu ka furmo Teendhada Afisyooni, ee ku taalla nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulankan ayaa ka duwan wax badan shirarkii horey Farmaajo u qabtay, ee dhamaantooda fashilka kusoo dhamaadey marka la eego sida Rooble loo soo ajiibay, taageeradda musharixinta mucaaradka iyo beesha caalamka u muujiyeen.

Waxaa sidoo kale shirkan uga duwan yahay kuwii hore in laga qeybgelinayo furitaankiisa dhamaan saamileyda siyaasadda, oo Musharixiinta, ururada bulshadda rayidka, wakiilada beesha caalamka iyo madaxdii hore ay ku jiraan, waana shir wadatashi qaran oo kuwii hore ka bllaaran.

Shirka waxaa sidoo kale uu leeyahay xamaasad gaar ah, dhinac walba wuxuu diyaar u yahay tanaasul iyo in heshiis la gaaro, waxaana mas'uul kasta iska ilaalinayaa inuu caqabad ku noqday wadahadallada, maadaama fursadan ay tahay midii ugu dambeysay ee doorashadda Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka isha ku hayso.

Waxa kale uu shirkan uga duwan yahay kuwii hore ayaa ah inuusan ka qeybgaleynin Farmaajo, Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey, oo mas'uul ka ah xaaladda maanta dalka ku jiro, dib u dhaca siyaasadeed iyo doorashadda, kuwaasoo horseeday dagaalladii Muqdisho ka dhacay, oo 100,000 oo qof ku barakacday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.