Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Biden markay ku kulmeen Aqalka Cad?

Kulanka wuxuu ahaa mid sagootis ah oo Biden la galayay Sawirro dhamaan madaxdii Afrikaanka ee ka qeybgashay Shirka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Biden markay ku kulmeen Aqalka Cad?

WASHINGTONG - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Aqalka Cad kula kulmay dhigiisa dalka Mareykanka Joe Biden, kadib markii uu soo dhamaadey Shirkii Afrika iyo USA.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, Biden ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta degaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxuuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa madaxdii Mareykanka uu la kulmay la wadaagay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada.

Biden ayaa amar ku bixiyay in dib loogu celiyo Soomaaliya Ciidankii Mareykanka ee laga saarey xiligii Trump, si ay uga gacan siiyaan maamulka Xasan Sheekh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa boqolaal askari ka jooga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo saldhigyo qarsoodi ah ku leh meelo kala duwan, iyagoo tababar siiya Ciidanka Danab, ee xoogga dalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.