Muxuu Xasan Sheekh kala hadlayaa Madaxweynaha Masar Al-Siisi?

Masar ayaa waxaa xiriir xun kala dhaxeeyay Farmaajo oo dowladdiisa la safatay Itoobiya oo ay ku muransan yihiin Biyo-xireenka webiga Nile.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Xasan Sheekh kala hadlayaa Madaxweynaha Masar Al-Siisi?

QAAHIRA, Masar - Waxaa la filayaa in Maanta ay Qaahira ku kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar C/fitaax Al-Siisi, iyagoo kawada hadli doona xiriirka labada wadanka.

Sida Keydmedia Online xogta ku heshay, Xasan Sheekh ayaa Al-Siisi la saxiixan doono heshiis bog cusub loogu furayo cilaaqaadka Soomaaliya iyo Masar oo aad u xumaa xiligii Farmaajo.

Al-Siisi ayaa aad u raadinaya xiriir dhaw oo la yeesho Soomaaliya, maadaama ku taallo meel istaraatiiji ah gobolka Geeska Africa, islamarkaana ay suurta-gal tahay inay saldhig military ka furato.

Masar oo ah dalka ugu quwadda weyn Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa xiriir xun kala dhaxeeyay Farmaajo oo dowladdiisa la safatay Itoobiya oo ay ku muransan yihiin Biyo-xireenka webiga Nile.

Abiy Axmed ayaa xiriir xun kala dhaxeeyaa Al-Siisi, taasoo keeni karta inuu baajiyo kulanka uu la yeelan lahaa Xasan Sheekh, maadaama uu safarkiisa ku hormariyay magaaladda Qaahira.

Masar ayaa taageero kala duwan siisa Soomaaliya, waxaana dhinaca kala jira loolanka Siyaasad-juquraafi ah [Geo-political competition] oo ka socda gobolka Geeska Africa.

Soomaaliya oo 30 sano colaad kusoo jirtay ayaa ku dhex luntay dalalka is-haya adduunka, iyadoo la ogyahay in Farmaajo Qatar darteed u jaray xiriirkii Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo ah saaxiibo soo jireen ah, oo dalka garab taagnaa intii uu dagaalka ku jiray.

Farmaajo xiriirkiisa dibadda ma fiicnayn, wuxuu kaliya saaxiib ka dhigtay Qatar, Itoobiya iyo Eritrea, oo ah dalal aan wax dan ah u heynin Soomaaliya, oo kaliya ka shaqeeya maslaxadooda.

Xasan Sheekh ayaa ololaha doorashadda kusoo galay Soomaaliya oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah, taasoo aan la ogeyn inuu hirgelin doono iyo ay ay qaadi doonaan mowjadaha socda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.