Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay Dhalinyarada ku maqan Eritrea?

Illaa 5,000 ayay gaarayaan Ciidamada, waxaana loo tababarey qeybo kala duwan oo kuwa Cirka iyo dhulka isagu jira, iyagoo hadda qaarkooda u dhamadey layliga.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay Dhalinyarada ku maqan Eritrea?

ASMARA, Eritrea - Waxaa shalay Xasan Sheekh uu xero militeri ku booqday askar dhalinyaro ah, oo mudo 3 sano ah ku tababaranayay dalka Eritrea, kuwaasoo hadda dowladda rabto inay soo qaado.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhalinyaradda, gaar ahaan kuwa loo tababarey Ciidanka Cirka, kuwaasoo qaarkooda uu salaamay, islamarkaana wareystay, xaaladooda iyo degaanada laga soo qoray.

Wuxuu ahaa kulan ka duwan midkii July, oo dusha kala hadlay askarta, waxaana markan Xasan Sheekh dhex-galay Ciidamada, oo ka muuqato wadaniyada, hilow dalkooda u qabaan iyo inay ka qeyb galaan difaaca iyo xoreynta Soomaaliya.

Waxaa ku jiray dhalinyaradda uu salaamay Madaxweynaha wiil lagu magacaabo Cabdi Daahir, oo 20 jir ah hadda, oo markii la qorayay uu 18 jir ahaa, kaasoo ka yimid Shabeellaha Hoose, waxaana uu u sheegay Xasan Sheekh inuu diyaar u yahay difaaca dalkiisa hooyo.

Afwerki ayaa la socday Xasan Sheekh booqashadda uu saldhiga Cirka ku tagey, waxaana labada hogaamiye kawada hadlayaan soo celinta Ciidanka oo tan iyo 2019 ku maqnaa dalka Eritrea, iyadoo waalidiintooda mudo dalbanayen in loo soo celiyo Carruurtooda.

Waxaa si qarsoodi ah ku qoray Fahad Yaasiin, 2019 iyo 2020 ayaa la kala qaadey, iyadoo qorista iyo dirista wiilasha ay ahayd howl Xafiiska Farmaajo kaliya la socday, oo qeybaha kala dadka iyo dowladda laga qariyay.

Dowladda Qatar ayaa maalgelisay Mashruucan, oo Fahad Yaasiin watay, iyadoo markii dambe uu fashilmay markii uu soo ifbaxay war sheegaya inay la dagaalameen Tigray, Itoobiya, taasoo markii dambe noqotay hadal been ah, oo Villa Somalia gaashaanka u daruurtay.

Waxaa la sheegay in hadda Imaaraadka bixinayo lacagta Eritrea dalbatay iyo mida lagu soo celinayo shanta kun ee askari, kuwaasoo xiligan aad loogu baahi qabo, maadama dalka dagaal ka socdo, oo dowladda u baahan tahay Ciidan diyaarsan.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.