Muxuu yahay codsiga IMF ka aqbashay Xasan Sheekh?

17-kii bishan ayay ku ekayd waqtiga, waxaana markii doorashaddu ay dhacday kadib la hadlay IMF Xasan Sheekh oo dalbadey in saddex bilood loogu daro caawinta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay codsiga IMF ka aqbashay Xasan Sheekh?

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ogolaatay in ay kordhiso muddada barnaamijka kaalmada dhaqaale ee Soomaaliya, kadib doorashadii Xasan Sheekh May 15.

Xirmada gargaarka ee saddexda sano oo gaareysa $400 oo milyan oo dollar ee IMF ugu tala-gashay soomaaliya, ayaa ku ekayd 17-ka bishan May, balse dib u eegis ayaa lagu sameeyay, maadaama maamul cusub uu yimid, oo dalbadey in saddex bilood loogu kordhiyo.

IMF ayaa ka digaysay in barnaamijkan uu joogsado bishan, hadii aan dhalan dowladda cusub, waxaana dib u dhaca doorashadda keentay qalalaasaha dalkan deymaha badan lagu leeyahay.

Guddiga sare ee IMF-ta waxuu aqbaley codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo ilaa 17ka August, taasoo siisay madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud waqti uu ku sameeyo isbedellada la qorsheeyay.

"Muddo kordhintu waxaa loo sameeyay si loo xaqiijiyo isfahamka siyaasadda ee dawladda cusub iyo xaqiijinta dammaanad qaadka maalgelinta ee saaxiibadda Beesha caalamka dhaqaalaha ay ku bixinayaan horumarinta," Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya, ayaa sidaas u sheegay AFP.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dad badan ay rajeynayaan in ay soo afjari doonto khilaafka siyaasadeedka muddada dheer soo jiitamayay, oo dowladda ka weeciyay jidkii la rabey inay ku shaqeyso, taasoo keentay kacdoon hubeysan oo rabshado wata iyo abaaro ba’an.

Sida ku cad barnaamijka IMF, deynta-cafinta Soomaaliya waxaa ka jarmaya $557 milyan horaanta 2023, Jaramillo ayaa ku sheegay wareysi ay bishii Feb 2022 siisay AFP.

Taasi waxay u oggolaanaysaa Muqdisho inay soo jiidato maalgalin badan oo ay ka helaan saaxiibada caalamiga ah iyo inay gacan ka geystaan ​​horumarinta qaybaheeda gaarka ah.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka, in ka badan 70 boqolkiiba dadka waxay ku noolyihiin wax ka yar $1.90 maalintii. Dalka ayaa sidoo kale la daalaan dhacaya sidii uu uga soo kabsan lahaa dagaaladii sokeeye ee tobanaan sano socday, waxaana muddo sanado ah uu dagaal kula jiray kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Bil kasta, dawladda federaalku waxa ay bixisaa $10 milyan oo dollar si ay u daboosho kharashaadka muhiimka ah sida mushaharka shaqaalaha iyo Ciidanka.

Dhanka kale, abaar ba’an ayaa halis gelinaysa malaayiin qof noloshooda, waxayna hay’adaha Qaramada Midoobay ka digeen masiibo bini’aadantinimo haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Xasan sheekh oo soo noqday madaxweyne intii u dhaxaysay 2012 iyo 2017, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku guulaysta xilka mar labaad. Waxa uu ballan qaaday in uu u beddeli doono xaaladda dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo ka dhigo doono “dal dadkiisa nabad ah, oo nabad kula nool adduunka”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.