Muxuu yahay qorshaha Xasan Sheekh ee boqolka maalmood ee ugu horreeya?

Madaxweynaha dalka ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey qorshihiisa 100-ka maalmood ee soo socda.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay qorshaha Xasan Sheekh ee boqolka maalmood ee ugu horreeya?

MUQDISHO, Soomaaliya- Xasan Sheekh oo mar kale xafiiska Madaxweynaha dalka ku soo laabtay, ayaa ka waramay qorshihiisa boqolka maalmood ee ugu horeysa shaqadiisa.

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay, inuu diirada saari doono, amniga oo muddooyinkii ugu danbeeyey aad u xumaa, iyadoo ay jirto in ay dhagxaan ku go'an yihiin wadooyinka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu dib u habeyn ku sameyn doono hay'adaha amniga, isagoo soo dhaweeyey cid kasta oo Soomaaliya arrintaasi ka taageereyso.

Soo kabashada dhaqaalaha oo meel hoose maraya iyo keenida xasilooni siyaasadeed, ayaa ka mid ah qorshihiisa maalmaha ugu horeeya ee uu xafiiska joogo.

Sida uu sheegay waxa uu nidaamka fedraalka u rogi doonaa qaab dhismeedka hay'adaha dowlada oo iminka u qaabeysan kuwa u janjeera dowlada dhexe, siinayana awoodda oo dhan.

Xasan Sheekh ayaa xusay in boqolka maalmood ee soo socota uu kaalin ka geysan doono arrimaha deyn cafinta, oo sida uu sheegay heer gabogebo ah maraya.

Wuxuu dhanka kale xoogga saari doonaa meel marinta sharciyo muhiim u ah dalka oo yaalla xafiiska Madaxweynaha.

Lama saadaalin karo sida uu uga dhabeyn doono qorshihiisa boqolka maalmood ee soo aaddan, ha ahaatee KON ayaa isha ku heysa fulinta ballan qaadyadaas iyo halka ay ku danbeeyaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.