Muxuu yahay Saldhigga Ciidan ee Mareykanka ka dhisay Muqdisho?

Mareykanka ayaa ah dalka ugu horeeyay ee kaalmadda ugu ballaaran siiya dowladda Soomaaliya, waxayna kaalin firfircoon ka ciyaareysaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay Saldhigga Ciidan ee Mareykanka ka dhisay Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib hoos u dhac ku yimid weeraradii burcad-badeeda ee ka socday xeebaha Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay, Mareykanka ayaa waxuu Muqdisho ka furay xarun cusub oo lagu tababarayo Ciidanka badda, oo kamid ah hay'adihii amniga ee ku burburay dagaalkii Sokeeye.

Xaruntan waxaa loogu talagalay in lagu dhiso awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya si ay u noqdaan kuwa qaadi kara mas'uuliyadda amaanka xeebaha dalka, gaar ahaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka sii kordhaya ee kalluumeysiga Sharci darradda.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dawladda Maraykanka ayaa bixiysay lacagta lagu dhisay Xarunta, iyadoo usii marisay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC).

Waxaa loo adeegsan doonaa in lagu taageero tababarrada gaarka ah ee loo fidiyo Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale Waaxda Ilaalada Xeebaha.

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu weyn qaaradda Afrika iyo kheyraadka badda. Si loo ilaaliyo, dowladda Soomaaliya, waxay u baahan tahay hab lagu daba-galo, laguna ilaaliyo sharciga xeebaha, oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa kuwa Maraakiib shisheeye si sharci-darro ah uga kalluumeystaan.

Xaruntu waxay qayb ka tahay in ka badan 3 milyan oo dollar oo ay dawladda Maraykanku ku taageerto barnaamijyada kobcinta awoodda badda ee ay Soomaalidu hormuudka ka tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.