Muxuu yahay ujeedka Safarka Xasan Sheekh ee Mareykanka?

Waa safarkii 2aad tan iyo September 2022, waxaana la filayaa inuu Madaxweynaha la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Miniapolis, oo lagu casuumay.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay ujeedka Safarka Xasan Sheekh ee Mareykanka?

WASHINGTON - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington 13-ka illaa 15-ka bishan.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan la dagaallanka argagixisada, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka khawaarijta Al-shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

Waa safarkii 2aad tan iyo September 2022, waxaana la filayaa inuu Madaxweynaha la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Miniapolis, oo lagu casuumay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.