MW Soomaaliya iyo waftigiisa oo ku karaaantiilan Abu Dhabi

Sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah,  Maaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa lagu karantiilay gudaha caasimadda Imaaraadka Abu Dhabi kadib markii laga helay COVID-19.

Warar Keydmedia Online
MW Soomaaliya iyo waftigiisa oo ku karaaantiilan Abu Dhabi

DUBAI, Soomaaliya – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta laga helay caabuqa COVID-19, taasoo sababtay in dhamaan waftigu ay karaantiil ku galaan Abu Dhabi.

Sida ay Keydmdia Online u sheegeen ilo loo qaateen ah, xubnaha laga helay Fayruska COVID-19, waxaa ka mid ah Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda NISA, Mahad Maxamed Salaad iyo xubna kale oo ay ku jiraan howl-wadeennada xafiiska Madaxweynaha.

Arrinkaan ayaa sabab u ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxuud, uusan wali la kulmin dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, isla-markaan uu dheeraaday waqtigii loo qorsheeyay safarka oo ku ekaa galinkii danbe ee malinnimadii Talaadada [shalay].

Madaxtooyada Soomaaliya wali kama aysan ka hadlin arrinkaan, xilli ay jiraan waydiimaha shacabka oo ku aaddan xogta wafitaga Madaxweynaha oo ay ugu war-danbeysay, 19-kii bishaan xilligaas oo ay ka degeen Caasimadda Imaaraadka Carabka ee Abu Dhabi.

Sidoo kale arrinkaan wuxuu saameyn ku yeeshay qorshihihii la doonayay in MW Xasan Sheekh uu maanta Golayaasha Baarlamaanka hor geeyo Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay ee Xamse Cabdi Barre, qorshahaas ayaana fashilmay maadam Xasan maqan yahay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Kenya, qorshuhuna ahaa inuu shalay ku soo laabto dalka ayaa soo guryo-noqodkiisa hal maalin dib u dhigay wuxuu saaka ka soo degay caasimadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.