MW Soomaaliya oo kulan la qaatay MW Maraykanka

Dowladda Mareykanka ayaa ilaa hadda bixisay in ka badan 800 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha baahsan ee xilligaan ka taagan dalka taasoo wax-yeelleeyay ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
MW Soomaaliya oo kulan la qaatay MW Maraykanka

WASHINGTON - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo New York uga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka geeska Afrika.

MW Xasan wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku hayeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore kulamo ula qaatay, Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd James Austin oo uu kula kulmay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.

Dowladda Mareykanka ayaa ilaa hadda bixisay in ka badan 800 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha baahsan ee xilligaan ka taagan dalka taasoo wax-yeelleeyay ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed.

Dhawaan, Jake Sullivan oo ah la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, ayaa sheegay in Aqalka Cad uu aad uga walaacsan yahay saadaasha aan wanaagsaneyn iyo baaxadda abaaraha daran ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May sanadkaan go’aamiyay in ilaa 500 oo askari oo Maraykan ah lagu soo daad gureeyo Soomaaliya, kuwaas oo dhamaadkii sanadkii hore ku baxay amarka Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista dib u soo celinta askarta dalka Mareykanka ay timid maalmo kadib markii doorashada looga adkaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa saaxiibada Ruushka ee Geeska Afrika – Itoobiya iyo Eritrea.

Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo safaarad ku leh Washington,D.C. taas oo dib loo furay kalkii hore ee MW Xasan sheekh, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.