MW Xasan oo markiisa “Billad Qaran” guddoonsiiyay Geelle

Madaxweynaha Jabuuti oo ka mahad celiyay martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabadda ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo markiisa “Billad Qaran” guddoonsiiyay Geelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markiisa Billad Qaran guddoonsiiyay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo uu ku muteystay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegtay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan  wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo, wuxuuna si weyn ugu mahad celiyay Madaxweyne Geelle.

“Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna, wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudi karo, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee Jabuuti". Ayuu yiri MW Xasan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti oo ka mahad celiyay martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabadda ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal.

Sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, Madaxweyne Xasan wuxuu si buuxda uga dhaqay hoggaanka Jabuuti horgumaayinkii uu Farmaajo u geystay xiriirka labada dal, wuxuuna si buuxda dib ugu soo celiyay xiriirkii ku dhisnaa wada-dhalashada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.