MW Xasan oo shir isugu yeeray madaxda maamullada

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa todobaadkaan la filayaa inuu ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo shir isugu yeeray madaxda maamullada

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) isugu yeeray Madaxda Dowlad gobolleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ugu horreeyaan xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Koofur galbeed, ammaanka guud ahaan dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, abaaraha iyo sidii xal kama danbeys ah loogu heli lahaa arrimaha gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa ajandaha shirka ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) uu dib u eegis ku sameynayo nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo ah Gole wakiil ka ah Maamul gobolleedyada dalka ka jira, kaas oo qorshuhu yahay in wax ka beddel lagu sameeyo.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho, halka la sugayo hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland, xogaha ayaana tilmaamaya in shirku ugu danbeyn maanta ka furmi doono caasimadda.

Sida ay fahasan tahay KON, qodobka ugu adag ee shirka ayaa noqon doona xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo, taasoo salka ku heysa in Cabdicasiis Laftagareen uu diiday in qabto doorashada maamulka KGS, maadaama uu waqtigii ka dhacay.

Laftagareen oo doonaya inuu xoog ku sii joogo xilka ayaa garab ka heli doona Siciid Deni oo qudhiisu aan doorasho u socon. Dani iyo Laftagareen waxa ay dhawaan Garowe ku sameysteen is-baheysi ay doonayaan in ay kula loollamaan Dowladda dhexe.

Shirkaan oo noqonaya midkii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) tan iyo markii uu xilka dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan ay la rumeysan yahay inuu noqon doono mid ka adag kuwii ka horreeyay maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.