MW Xasan oo waraaqaha ka guddoomay safiirka Imaaraadka

Madaxweyne Xasan ayaa laba mar socdaal ku tagay dalka Imaaraadka tan iyo markii dib loo doortay bishii May ee sanadkaan, bishii June, Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Zayed Al Nahyan ayaa isla-meel dhigay fulinta shan qodob oo muhiim ah.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo waraaqaha ka guddoomay safiirka Imaaraadka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjirahaan cusub ayaa baddali doona, safiirkii muddada dheer Abu Dhabi u joogay Soomaaliya Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, kaasoo dhawaan boorsooyinkiisa ka xirxiran doona caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

“Danjire Axmed ayaa MW Xasan soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada, taas oo uu ka siday Madaxweynaha Imaaraatka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kele, danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana ku boorriyay shaqadiida safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey guul.

Madaxweyne Xasan ayaa laba mar socdaal ku tagay dalka Imaaraadka tan iyo markii dib loo doortay bishii May ee sanadkaan, bishii June, Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Zayed Al Nahyan ayaa isla-meel dhigay fulinta shan qodob oo muhiim ah.

Shantii sano ee la soo dhaafay, qiblada siyaasadeed ee Soomaaliya, wax ay ahayd Dooxa, haddase waxaa baddeshay Abuu Dhabi, calashaan Qatar waxaa baddelay Imaaraad, Tamim bin Hamad Al Thani, waxaa baddelay Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.