MW Xasan oo hoos u dhigay dalab ka yimid Imaaraadka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka caga-jiiday dalab ay Imaaraadka Carabtu ku doonayeen in ay ku helaan heshiis 30 sano ah oo ay ku maamulayaan qaar ka mid ah, dekedaha iyo garoomada dalka Soomaaliya.  

Warar Keydmedia Online
MW Xasan oo hoos u dhigay dalab ka yimid Imaaraadka

MUQDISHO, Soomaaliya – Xogo hoose oo Keydmedia Online ka heshay ilo loo qaateen ah, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hoos u dhigay dalab ka yimid Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo ay ku jiraan shuruudo ganacsi iyo kuwo siyaasadeed oo Abu Dhabi dooneyso in loo hirgaliyo.

19 June 2022, wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray Imaaraadka, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, qorshuhu wuxuu ahaa in labada Madaxweyne is arkaan galinka danbe ee 20-ka Juun si waqtiga safarku u soo gabagaboobo galinka hore ee maalin kadib.

Inkastoo ay jiraan xogo tilmaamaya in waftigu la dhibaatooday Fayriska COVID-19, taasina sababtay in waqtigii loogu tala-galay safarka uu dheeraaday, haddana ilo diblumaasiyadeed ayaa KON, u xaqiijiyay in ay jireen caqabado kale, kuwaas oo horseeday, in socdaal labo cisho loo qorsheeyay qaato muddo shan maalin ah.

Sida ay KON ogaatay, 20-kii Juun, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Shakhbout Bin Nahyaan, ayaa MW-naha Soomaaliya la wadaagay waraaq ay ku qoran yihiin shuruudo ka yimid Maxamed Bin Zayed, waxaana waftiga ka socday Soomaaliya loo sheegay in ay labo cisho ka fagaraan shuruudahas, ka hor inta aysan la kulmin Al Nahyan.

SHURUUDAHA;

Shuruudaha waxaa ku jira, in shikadda DP World ee dalkaas laga leeyahay, loo saxiixo in gacanta ku heyso dekedaha Kismaayo, Boosaaso iyo Barbara muddo 30 sano ah iyo in Dowladda Soomaaliya xoogga saarto xaqiijinta amniga gobolka Shabeellaha hoose, si Shirkaddu u sal-dhigato dekedda magaalada Baraawe, si la mid ah kuwa kale.

Sidoo kale, shurudaha la hor dhigay Soomaaliya waxaa ka mid ah, in shirkad kale oo magaceeda aysan helin KON, lagu wareejiyo, qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha dalka, oo uu ku jiro madaar la sheegay in laga dhisayo koofurta Caasimadda, xilli ay xusid mudan tahay garoomada Boosaaso iyo Barbara ay gacan ku heyso shikadda DP World.

Imaaraadku waxa ay sidoo kale dalbadeen in dib loo soo celiyo xerooyinkii ay ciidanka ku tababari jereen ee ku yaallay gobolka Banaadir, kuwaas oo albaabada la isku dhiftay 2018-kii kadib markii uu xumaaday cilaaqaadkii ka dhaxeeyay labada dowladood.

Si shuruudahaas u fulaan, Imaaraadku waxa ay MW Xasan, u ballan qaadeen, in ay siin doonaan $500 oo Maylan oo dollar, shanta sano ee soo aaddan, lacagtaas oo aan ku jirin kabka miisaaniyadeed ee Ubu Dhabi ugu tala-gashay Soomaaliya, si uu danaha gaarka ah ee maamulkiisa ugu meel-mariyo, si la mid ah lacagtii Qatar siin jirtay nidaamkii Farmaajo.

GO’AANKA MW XASAN;    

Xogata ay heshay Keydmedia, ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan uu dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed, ku war-galiyay in socdaalkiisu uusan ku qotamin saxixidda danaha Ubu Dhabi ka leedahay Muqdisho, xilli uusan dhidibada u taagin maamulkiisa oo aan wali xukuumad shaqeysa la dhisin ee kaliya uu u yimid hagaajinta xiriirka labada dal.

Ilaha xogtaan nala wadaagay, waxa mujiyeen in ay arrinka soo fara-galisay dowladda Masar, kuna qancisay labad dhinac in ugu horreyn meesha laga saaro mad-madowgii diblumaasiyadeed ee shantii sano ee la soo dhaafay taagnaa, kadibna la-far-iyo –suuliyo is fahamka la xariiira ganacsi ee labada waddan.

Taasoo keentay in ugu danbeyn dhinacyado isku af-gartaan shan qodob oo uu ku jiro in wafti heer sare ah oo ka socda Imaaraadka yimaadaan Muqdisho, si loo sii wado ka wada-xaajodka danaha labada dal, iyadoo Soomaaliya loo ballan qaaday 20 milyan oo abaaraha loogu talagalay iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeyn doono Dal-ku-galka UAE.

Goobta Istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ku taallo, kheyraadka badeed iyo midka barri ee dalku leeyahay iyo marin biyoodyada caalamiga ee kaabiya ku haya, ayaa sababay in Soomaaiya noqoto dal adduunku indhaha ku hayo, Imaaraadka ayaana ah dalka carbeed ee waqtiga ugu badan galiya arrimaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.