MW Xasan Sheekh oo ku wajahan furimaha dagaalka

Shantii sano ee la soo dhaafay, awoodda ciidan ee Al-Shabaab lama waxyeelleyn, mana jirin howl-gal weyn oo lagu qaaday, dhaqaale ahaanna si weyn ay u kordheen, maadaama loo oggollaaday in ay irid kasta canshuur ka qaadaan, hayeeshee hadda waxa ay wajahayaan duullaan kharaar.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh oo ku wajahan furimaha dagaalka

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maalmaha soo aaddan socdaal ku tago qaar ka mid ah degaannada Gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo ay dhawaan ka billaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xogo loo qaateen ah ayaa muujinaya in Madaxweynuhu sal-dhigan doono degmada Cadale oo dhawaan ay gaareen ciidamo xooggan oo ka baxay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay hoggaaminayaan saraakiil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka FS.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen saraakiil ku dhow Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiran doona tuutaha markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna Shabeellaha dhexe kaga dhawaaqi doonaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Bishii July Madaxwaynahu wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka aysan waqtigaan diyaar u ahayn wada-hadal lala galo Al-Shabaab, waxaana hadda soo baxaya in Madaxweynuhu ku gacan saysay in wax wada-xaajood ah lala furo odayaal Al-Shabaab soo direen.

Bishaas isoo khudbo ku saabsan istaraatiijiyadda mustaqbalka Soomaaliya ka jeedinayay dood uu soo qaban qaaban-qaabiyay mahcadka SETA ee dalka Turkiga, wuxuuna ku dhawaaqay in dagaalka Military ee AS lagu kordhin doono mid fikir iyo mid dhaqaale.

Bartamihii bishaas July dagaallo ka dhacay labada gobol oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo shacab u istaagay difaaca naftooda iyo degaannadooda ayaa sababay in guud ahaan dalka oo dhan laga dareemay in shacabku ku dhiirranayaan iska xoreynta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku baraarugsan yahay kacdoonka iyo in Al-Shabaab looga adkaan karo in beeluhu dagaallamaan degaannadoodana xorestaan sidii ka dhacday dalal uu ku jiro waddanka Ciraaq iyadoo Dowladdu garab tagan tahay shacabka.

Xildhibaanno iyo xubno ka tiran Golaha Wasiirrada, ayaa caasimadda ka wada abaabulka kulamo u jeedkoodu yahay in la abaabulo beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha Hawiye, si dalka iyo degaannada beeshu degto looga xoreeyo Kooxda Al-Shabaab.

Sida aan xog ku ogaannay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah dagaalka hadda socda waxa ay isku raaceen in hoggaanka dagaalka looga danbeeyo taliska Ciidanka XDS waxaana si gaar ah Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uga howlgali doona Danab iyo Gorgor.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.