MW Xasan Sheekh oo laga helay COVED-19

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu sooo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in laga helay Covid-19 balse caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, isaga oo tilmaamay in uu sii wadan doono howlihiisa shaqo.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh oo laga helay COVED-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga halay caabuqa COVID-19, sida uu dhawaan ku xaqiijiyay degelkiisa Facebook, kadib baaritaan maanta loogu sameeyay caasimadda soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku suganaa Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, Af-haheenka Madaxtooda Cabdikariin Kaar, ayaana xaqiijiyay in xubno ka mid ahaa waftiga laga helay caabuqa.

Keydmdia Online, ayaa ahyad warbaahintii ugu horreysay ee baahisa, in waftiga Soomaaliya ee 19-kii bishaan gaaray Abu Dhabi, ay la dhibaatoodeen Fayruska COVID-19, taasoo sababtay in dhamaan waftigu ay karaantiil ku galaan caasimadda Imaaraadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagama helin caabuqa intii uu joogay Imaaraadka Carabata hayeeshee, maanta markii uu soo caga-dhigtay Muqdisho, baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu hayo Fayruska COVID-19.

“Waxaan dhammaan shacabka la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19, waa caafimaad qabaa, waana sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka aniga oo raacaya habraacyada Covid-19” ayuu MW Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Imaaraadka, wuxuu kulamo la qaatay dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Dowadda Imaaraadku waxa ay ballan qaadday 20 Malyan oo ay ugu talo gashay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, xilli ay xusid mudan tahay in Madaxweynaha dalkaas uu 19-kii May 2022 lacag ku dhow 10 Milyan oo doolar ugu deeqay Soomaaliya.

UAE waxa sidoo kale ballan qaadeen, In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeyn doono Dal-ku-galka [Visaha] Imaaraadka, taasoo muhiimad weyn u leh ganacsatada Soomaaliyeed kuwaas oo $1.7 bilyan, sanadkii hore wax kaga iibsaday Dubai. 

Dhinacyadu waxa ay ku heshiiyeen in ay dib ay u bilowdaan duullimaadyadii shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraadka Carabta, oo aan waddanka cagaha soo dhigin tan iyo burburkii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyay, waana fursad kale oo dalka muhiim u ah.

Waxaa dib loo furi doonaa Isbitaalka Sheekh Zayed ee imaaraadka ku lahaayeen Muqdishu, kaasoo la xiray kaddib muranka diblomaasiyaseed ee dhexmaray Dowladdii Farmaajo hoggaaminayay iyo Imaaraadka, taas oo ahayd siyaasadeyn howl Bani’aadmino.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.