KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo Mas'uuliyiin kale oo uu kamid yahay Dabageed ayaa kusoo dhaweeyay magaaladda, oo amnigeeda aad loo adkeeyay Maanta.
MAXAAS, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta gaarey degmada Maxaas, ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay xudunta laga abaabulo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha oo la hadlay shacabka degaanka iyo Ciidamada, ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay ina ay dowladdu taageero la garab taagan tahay degaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan kooxda xiririka la leh Al-Qaacida.
Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”
Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah degaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab, ayaa waxaa Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka degaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay argagixisada.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.